Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay degmada Boondheere + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Shixnad gargaar ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka waxa ay gaarsiisay Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta ee Bondheere.

 

Xaruntaan ayaa lagu xanaaneyaa boqolaal Gabdho Soomaaliyed ah kuwaas oo iskugu jira Agoon iyo kuwa danyar ah, waxaana gargaarkaan ka mahadnaqay Maamulka sare ee Xaruntaan, iyaga oo sheegay in loo keenay xilli ay baahi badan ay u qabeen .

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa marwalba ka go’an caawinta Bulshada nugul sida Agoonta,Danyarta iyo kuwa qabo baahiyaha gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here