HirShabelle oo faaah-faahin ka bixisay fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi

0

JOWHAR (SMN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Bashiir Qaasim (Daqarre) ayaa sheegay in aysii kordheen dadka ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle iyo saamaynta ka dhalatay.

 

Wasiir ku xigeenka ayaa si gaar ah kaga hadlay magaalooyinka Baladweyne iyo Mahaddaay oo uu dhowaan kormeer kusoo sameeyay, isagoo xusay in inta badan xaafaha magaalooyinkaasi ay halakeeyeen daadadka.

Wasiir Daqarre ayaa sheegay in uu soo arkay halis caafimaad oo ka dhalan karta goobahaasi, markii ay suuliyadii iyo biyaha daadadka ah isku furmeen, wuxuunna hay’adaha samafalka ka codsaday in ay ka jawaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here