HirShabelle oo guddoomiye cusub u magacowday Buulo-Burte

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray guddoomiyaha cusub ee Buulo-Burte ugu magacaabay, Axmed Mahad Nuur, kaas oo bedalaya guddoomiyihii hore ee degmadaasi, Mudane Feysal Haajir Aadan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sidoo kale fartay hay’adaha amniga inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Buulo-Burte, si loo dardar-geliyo howlaha maamulka ee degmadaasi.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, xilli maalmo ka hor uu madaxweyne ku xigeenka HirShabelle shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyihii degmadaasi, Feysal Haajir Aadan.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here