MUQDISHO – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo qiimo badan u diray dhammaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u xusay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda iyo qoysaskooda sharafta leh ee mar walba u taagan difaaca dalka, ilaalinta midnimada iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in 12-ka Abriil ay tahay maalin muhiim ah oo lagu xusuusto doorka lama illaawaanka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo sugidda amniga guud ee qaranka.
Isaga oo ka duulaya munaasabaddan, Madaxweynihii hore ayaa duco u diray halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka, iyo kuwa ku dhaawacmay iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waajibaadka dastuuriga ah ee loo aasaasay, oo ay ugu horreeyaan ilaalinta nafta iyo hantida shacabka, difaaca qaranka iyo xoojinta dimuqraadiyadda dalka.





