BAYDHABO – Hoggaamiyaha ku meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka degmada Baydhabo, gaar ahaan xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kor u qaadidda bilicda magaalada.
Hoggaamiye Jibriil ayaa faray Guddoomiyaha degmada Baydhabo in uu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo bixinta adeegyada muhiimka u ah shacabka, si loo gaaro horumar muuqda oo ka hirgala magaalada.
Sidoo kale, Xildhibaannadii ka qeyb galay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn buuxda oo dhexmarta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo hufan oo ay helaan bulshada ku dhaqan Baydhabo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo horumarinta magaalooyinka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.






