Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayay Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.

Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasiyiinta ee gogosha dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furmi doonta magaalada Baydhabo.

Dhinacyada ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga siyaasadeed, si loo abuuro jawi horseeda xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Intii uu socday kulanka, dhinacyadu waxay is-dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xaaladda dalka iyo tan Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xalal siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uga mahadceliyay booqashadooda magaalada Baydhabo iyo ka-qaybgalka gogosha dib-u-heshiisiinta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan xoojinta wada-tashiga, nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka Koonfur Galbeed. Waxa uu tilmaamay in wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ay muhiim u yihiin horumarinta dowladnimada iyo xasilloonida deegaanka.May be an image of the Oval Office, dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here