Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, isla markaana warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee Türkiye iyo Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Ferhat Alkan oo ah safiirka cusub ee Türkiye iyo Danjire László Máthé oo ah safiirka cusub ee Midowga Yurub, kuwaas oo si rasmi ah u bilaabaya waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjirayaasha la wadaagay horumarka iyo guulaha Soomaaliya ay sheegtay inay ka gaartay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta iyo horumarinta dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, iyo sidoo kale Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo gaaro himilooyinka iyo danaha ay wadaagaan.
Dhankooda, Danjirayaasha Ferhat Alkan iyo László Máthé ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriimo ay ka sideen madaxda dalalkooda iyo hay’adahooda, iyagoo bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta dalka.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dhaqanka diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah, iyadoo danjirayaasha cusub ay si rasmi ah u guda gelayaan howlahooda diblomaasiyadeed ee dalka.





