Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo Booqday Furimaha Amniga ee Baydhabo

0

Baydhabo  – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho ku tagay furimaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

 

Hoggaamiyaha ayaa booqashadiisa ugu kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. Waxa uu sidoo kale ciidamada ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee furimaha iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ciidamada ugu hambalyeeyay guusha iyo geesinimada ay muujiyeen, gaar ahaan iska caabintii ay kala hortageen weerarkii Khawaarijta ay maalmo ka hor kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo dadaalka ay ku bixinayaan difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida, isla markaana Dowladda Koonfur Galbeed ay muhiimad gaar ah siinayso tayeynta iyo taageerada ciidamada ku sugan furimaha dagaalka iyo goobaha muhiimka ah ee amniga.

Hoggaamiyaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan howlaha adag ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada difaacaya dalkooda, dadkooda iyo dowladnimada.

Booqashada Sheekh Aadan Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here