Soomaaliya, Jubbada Hoose – Ciidanka Daraawiishta Jubaland, gaar ahaan Guutada Birjeex, oo kaashanaya Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 162-aad, ayaa maanta fuliyay howlgal amni oo si xeel dheer loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla galbeedka deegaanka Buula Xaaji.
Howlgalka ayaa sidoo kale laga fuliyay tuulooyinka Aaga Wada-jir, Xaliimo Cadey, Boqoqaha, Karas Kukiye iyo Hajini, halkaas oo ciidamada ay ka beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaannadaas.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada iskaashanaya ayaa dilay in ka badan 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku jiray godad ay dhulka hoostiisa ka qoteen. Sidoo kale, ciidamada ayaa fashiliyay dhowr miino oo ay kooxdaasi damacsaneyd inay adeegsato, balse ay ciidamada ka hortageen kahor inta aan waxyeello loo geysan shacabka iyo ciidanka.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd xaqiijinta amniga deegaannada la xoreeyay iyo ciribtirka khataraha ay Al-Shabaab ku hayeen shacabka, iyagoo xusay in howlgaladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.

Haddii aad hayso Macluumaad ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda AS.
👉 Wac ☎️ 0611169105.




