Ilhaan Cumar oo sheegtay in badda Soomaaliya ay difaaceyso Aqalka Cad

0

WASHINGTON (SMN) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca gurracay  Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin.

 

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegatay in aysan.suuragal ahayan badda Soomaaliya ay dad kale qaataan

“ Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan”Ilhaan Cumar

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereeniin uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

xildhibaan Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka warheysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Dhanka kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka addag ee dowladda iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in ay sid wadajir ah ugu kacaan difaac qarannimada soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.”

Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca gurraca ee dowladda Itoobiya,iyadoo ugu baaqaday in ay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here