Safiirka Itoobiya oo raali-gelin ka bixiyay gefkii uu u geystay Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Mukhtaar Maxamed Waare, oo ah danjiraha Itoobiya u fadhiyay Muqdisho ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal gef ku ahaa Madax-banaanida dalka Soomaaliya.

 

War uu soo dhigay bartiisa X ayuu Mukhtaar ku yiri: Ulama jeedin wareysigayga inaan ku dhaawaca xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, si qaldan baa loo fasiray erayadayda.

Wuxuu ku siiyay Shacabka iyo dowladda Soomaaliya raali-gelin buuxda, inuu ku tilmaamay Soomaaliya dal fowdo ka jirto, oo aan madaxdiisa go’aano lahayn, sido kalena gumeysi wali ka taliyo.

Wuxuu Mukhtaa sidii kale wareysiga FANA ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, oo heshiiska badda ay la galeena yahay mid sax ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here