Hindiya oo ciidan la dagaalama Burcad-badeeda usoo diraysa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Hindiya ayaa la geynayaa biyaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti, Gacanka Cadmeed, Xeebta Bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Carabta si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyadoo la eegayo xaaladda amniga badda ee gobolka.

 

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga India Ajay Bhatt ayaa sheegay in ciidamada badda dalkiisa ay ka howlgali doonaan gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Afrika si ay ula dagaalamaan burcad badeeda tan oo hadda dib usoo rogaal-celiyay.

Waxaa jiray walaac caalami ah oo isa soo tarayay oo ku saabsan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto oo weerar ku qaaday maraakiibta ganacsi ee mara Badda Cas tan iyo bishii November, taasoo u muuqata inay jawaab u tahay weerarka militari ee Israel ay ku qaaday Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here