Madaxweyne Xasan Sheekh oo shuruud ku xiray wada-hadal lala galo Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiinayay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay madaxtooyada Qaranka ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee Itoobiya,wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale oggolayn.

Wuxuu madaxweynuhu xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa kasoo haroo dhan waa ka wada hadleynaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxayn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here