MUQDISHO – Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay door ku leedahay colaadda iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo warbixinno la daabacay ay su’aalo ka keeneen dhaqdhaqaaqyada ciidamada Itoobiya iyo saameynta ay ku leeyihiin xaaladda amni ee gobolka.
Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli Koonfur Galbeed ay ka jiraan iska horimaadyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo la xiriira khilaafka hoggaanka maamulka, iyadoo xaaladda amni ee deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay weli tahay mid cakiran.
Warbixin lagu daabacay Red Sea Axis, oo soo xiganayo ilo maxalli ahi, ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay si kutala-gal ah uga baxeen magaalooyin katirsan gobolka Baay, iyagoo u fududeeyay inay la wareegaan Al-Shabaab.
In Ciidamada Itoobiya ka baxaan saldhigyo si dhib badan Al-Shabaab looga saarey markii hore, ayaa warbixintu sheegtay inay tahay arint khatar ah oo wiiqaysa dadaalladii Beesha Caalamka ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo mlaagelintii dhaqaale ee Midowga Yurub oo tan iyo 2007 ku bixiyay amniga Soomaaliya lacag gaaraysa 3 billion oo dollar.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay eedeymo la xiriira lacag la sheegay in Imaaraadka Carabta ka timid lagu maalgelinayo dagaalka Koonfur Galbeed, iyadoo lagu laaluushay saraakiisha ciidamada ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka Baay, si ay uga baxaan fariisimaha ay joogeen.
Ciidamada Itoobiya ayaa bishii August 2026 saldhig ciidan ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sida lagu sheegay warbixinta Red Sea Axis, tallaabadaasi waxay dhalisay su’aalo ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliya ee sugidda amniga goobaha ay ciidamada shisheeye ka baxaan.
Waxa ka socda maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wargeysu ku sheegay qorshe ay dejisay Israa’iil inuu yahay, Imaaraadkuna maalgelinayo, halka Itoobiya iyo xubno ka tirsan Kenya lagu eedeeyay inay fududeynayaan fulintiisa. Waxaa qorshaha laga bilaabayo Koonfur Galbeed, iyadoo la doonayo in lagu fidiyo gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya ka hor doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadkan 2027-ka.
Arrimahan ayaa walaac xooggan abuuraya, maadaama Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu kaalin weyn ka qaatay dagaallada Libya, Sudan, iyo xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo Soomaaliya hadda noqotay dhibanaha faragelinta dowlado shisheeye oo ku loolamaya badda Cas.



