Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeer Shaqo ku Tagay Markabka Shidaalka Qodaya ee Çağrı Bey

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka shidaalka qodaya ee Çağrı Bey, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la yeeshay khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka, kuwaas oo warbixin ka siiyey shaqada la qabtay, heerka ay marayaan hawlaha qodista shidaalka iyo natiijooyinka horudhaca ah ee laga gaaray howlaha socda.

Warbixinta la siiyey Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyey hawlaha qodista iyo dadaallada lagu ogaanayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya. Hawlahan ayaa qayb ka ah dadaallada dalka loogu raadinayo fursado cusub oo la xiriira sahminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadkiisa dabiiciga ah.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso hawlaha sahminta shidaalka iyo la socodka horumarka laga gaarayo mashaariicda la xiriira khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Shidaalka ayaa loo arkaa mid ka mid ah khayraadka Soomaaliya ay ka filayso inuu mustaqbalka door ka qaato kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo iyo kordhinta dakhliga dowladda, haddii si hufan oo masuuliyad leh looga faa’iidaysto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xaqiijin lahaa khayraadka shidaal ee ku jira biyaha dalka, iyadoo hawlaha socda ay muhiim u yihiin helitaanka xog dheeraad ah oo ku saabsan shidaalka iyo suurtagalnimada ka faa’iidaysigiisa mustaqbalka.May be an image of the Panama Canal and textMay be an image of daisMay be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here