KIGALI – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta.
Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Fu’aad Mire Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Ruwaanda ee Qorshaynta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Maamulka, Dr. Raymond Ndikumana.
Iskaashigan cusub ayaa diiradda saaraya horumarinta cilmi-baarista wadajirka ah, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, kobcinta awoodda aqoonyahannada iyo ardayda, iyo sare u qaadidda tayada waxbarashada sare ee labada dal.
Sidoo kale, heshiiska ayaa taageeraya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo waxbarashada nabadda, dib-u-heshiisiinta qaran, xoojinta wadajirka bulshada iyo dhismaha jiil ku barbaara qiyamka nabadda, dulqaadka, wada noolaanshaha iyo muwaadinnimada masuulka ah.
Mas’uuliyiinta labada jaamacadood ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta qodobada heshiiska, iyagoo tilmaamay in iskaashigan uu fursado cusub u abuuri doono ardayda, macallimiinta iyo cilmi-baarayaasha labada dal.
Heshiiskan ayaa ka dhashay booqasho shaqo iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo wafdi uu hoggaaminayo Raktar-ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku joogaan dalka Ruwaanda. Wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ah masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.



