Madaxweynaha Jubaland oo Tababar u Soo Xiray Ciidamo ka Tirsan Ururka Duufaan

0

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar u soo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan howlaha amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.

 

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Madaxweynaha wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay si hufan uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen, gaar ahaan casharrada la xiriira la dhaqanka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in guusha howlgalada amniga aysan ku koobneyn oo keliya dhinaca milatariga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ku nool deegaannada ay ka howlgalayaan.

“Waxaa muhiim ah in shacabka ay idinku arkaan ciidan u taagan badbaadadooda, amnigooda iyo horumarkooda. Taasi waa furaha guusha howlgal kasta,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddadii uu socday tababarka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si daacadnimo iyo waddaniyad leh uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Ururka Gaarka ah ee Duufaan ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato howlgalada lagu sugayo amniga iyo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada wali ay khatarta amni ka jirto ee maamulka Jubaland.No photo description available.May be an image of jeep

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here