James Swan oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka Soomaaliya

0

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Sooomaaliya ayaa sheegay dhameystirka howlaha doorashada waqtigii loogu talagay in ay tahay mid muhiim ah.

Swan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu Anadolu, dhameystirka doorashada waqtigii loogu talagalay, in ay mudnaanta u leedahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira dalka, sida Xaaladda bani’aadamnimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ka badan 20% dadweynaha Soomaaliya in ay wajahayaan baahiyo cunto. Wuxuu sheegay ku dhowaad 6 milyan in ay u baahan yihiin gargaarka bani’aadamnimo.

Hadalka James Swan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berri ah lagu wado in Muqdisho uu ka dhaco shirka wadatashiga qaran oo looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here