Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Lagu Qaaday Garoomada Diyaaradaha Sacuudiga

0

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Abha iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawaca dad kale.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarradani ay xadgudub weyn ku yihiin sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar toos ah ku yihiin madax-bannaanida Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay garab-istaaggeeda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo xustay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka xeebaha ku leh Badda Cas, isla markaana amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu xiriir dhow la leeyahay amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo goobaha ay isticmaalaan.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, waxayna dhammaan dadkii ku dhaawacmay u rajeysay caafimaad degdeg ah.May be an illustration of map and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here