Jubbaland oo Cambaareysay Duqeyn Lagu Beegsaday Guriga General Mahad Aadan ee Doolow

0

KISMAAYO – Dowladda Jubbaland ayaa si adag u cambaareysay weerar cirka ah oo ay sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay ka geysteen degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo lagu beegsaday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo loo yaqaanay “General Shub”.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarku si toos ah loogu beegsaday guriga General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ay ka dambeeyeen weerarka.

Jubbaland ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday guri uu deganaa General Shub, kaas oo ay tilmaantay inuu ahaa taliye hore oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo faahfaahinta khasaaraha ay weli kala duwan yihiin.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in magaalada Doolow ay tahay magaalo muhiim u ah amniga gobolka Gedo, isla markaana ay muddo dheer ka fogeyd dagaallo waaweyn.

Maamulka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga inay si wadajir ah uga qayb qaateen weerarka, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso in Turkigu ka baxay doorkii dhex-dhexaadnimada ahaa ee uu hore uga haystay arrimaha Soomaaliya.

Jubbaland waxay sidoo kale sheegtay in diyaaradaha dagaalka loo adeegsaday weerarka ay hore loogu arkayay hawlgallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegto inay kula dagaallamayso Al-Shabaab, balse ay hadda ka walaacsan tahay in awooddaas militari loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Dowladda Jubbaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo Midowga Yurub, inay si gaar ah uga hadlaan waxa ay ku tilmaantay faragelinta Turkiga ee gudaha Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay in la sameeyo baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo ugu baaqday Qaramada Midoobay inay dib u eegto xaaladda hubka Soomaaliya iyo sida hubka iyo qalabka militari ee dalka la siiyo loogu adeegsanayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in haddii hubka iyo awoodda militari ee loo oggolaaday Soomaaliya loogu adeegsado khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah, ay taasi khatar ku noqon karto amniga iyo xasilloonida dalka.

Jubbaland waxay si gaar ah uga digtay in dowladda Turkiga aysan mar dambe noqon karin dhinac loo arko inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Soomaaliya.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay caqabad ku noqon karaan wada-hadallada iyo isku-raaca siyaasadeed ee Soomaalida, isagoo ku baaqay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad.

War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan hoggaankii hore ee Koonfur Galbeed ay sare u kacday, gaar ahaan kadib dagaalladii Baydhabo. Warar madax-bannaan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in guriga General Shub ee Doolow la beegsaday habeenkii 3-da ilaa 4-ta Sebtembar, iyadoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn cidda amartay ama fulisay weerarka.

Jubbaland ayaa ku adkeysatay in arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya lagu xalliyo hab Soomaali hoggaaminayso, iyadoo ka digtay in adeegsiga awood militari iyo diyaarado dagaal uu sii hurin karo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here