Madaxdii hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday Taliye Shub

0

Muqdisho – Madaxdii hore ee Soomaaliya, siyaasiyiin iyo xildhibaano Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay duqeyntii lagu qaaday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan “Shub”, oo ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo.

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in Doolow ay tahay degmo deggan oo ka tirsan Jubaland, isagoo walaac ka muujiyay in diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn loo adeegsado khilaafaadka siyaasadeed.

Khayre ayaa sheegay in adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado khilaaf siyaasadeed uu halis u yahay dalka, isla markaana uu abuuri karo tusaale khatar ah oo Soomaaliya ku riixi kara waddo lagu militaraynayo khilaafaadka siyaasadeed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in awood noocaas ah oo wax disha lagu aamino maamul aan haysan mandate cad ama hannaan la isku halayn karo oo lagula xisaabtami karo ay tahay arrin masuuliyad-darro ah.

Dhinaca kale, agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe, ayaa isna ka hadlay weerarka, isagoo sheegay in duqeynta lagu qaaday guriga Taliye Shub ay muujinayso waxa uu ku tilmaamay “waddada halista badan ee uu dalka u wado rijiimka waqtigiisu dhammaaday.”

Dhanka kale, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya ayaa si toos ah dowladda Turkiga ugu eedeeyay inay ku lug leedahay duqeyntii lagu qaaday guriga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub”.

Xildhibaanadu waxay dowladda Turkiga ka dalbadeen inay caddeyso doorkeeda ku aaddan weerarka, xilli maamulka Koonfur Galbeed uu isna horay ugu eedeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga inay fuliyeen duqeynta.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli uu Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub” si siyaasadeed iyo ciidanba uga soo horjeedo maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda federaalka, iyadoo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya ay xilligan marayso marxalad xasaasi ah.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here