Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah isaga fogeysay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo habeenkii hore lagu weeraray guri uu deganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan “General Mahad Shub.”
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto dhacdada, iyadoo caddeysay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadaasi. Dowladdu waxay sheegtay in xogaha hordhaca ah ee ay hay’adaha amniga muujiyeen ay tilmaamayaan in qaraxyo lagu diyaariyay diyaarado lagu weeraray guriga, balse aysan dowladda weli bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarka.
“Dowladdu waxay si cad u xaqiijinaysaa in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadu ay tahay arrin u baahan baaritaan dhab ah oo dhammeystiran, iyadoo hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanno ku saabsan waxa dhacay iyo cidda ka dambeysay.
Waxay ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta in aan lagu degdegin warar aan la xaqiijin, iyadoo sheegtay in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka marka uu soo dhammaado. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in degmada Doolow ay ka mid tahay deegaannada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta xasilloonida degmada iyo badqabka shacabka, iyadoo ciidamada dowladda iyo hay’adaha amniga looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dadka iyo deegaanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale digniin ka soo saartay wararka been abuurka ah ee ka hor imaanaya baaritaanka socda, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed laga ilaaliyo xogaha aan la xaqiijin.
Waxay caddeysay in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka marka uu soo dhammaado, si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay dhacdada.
Hadalkan dowladda ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Jubbaland uu si adag u cambaareeyay weerarka, isla markaana uu ku eedeeyay diyaaradaha Turkiga inay ka dambeeyeen duqeynta lagu beegsaday guriga General Mahad Shub. Dowladda Federaalka ayaa, dhinaceeda, si cad u sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdada, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu weli socdo.





