Jubbaland oo war cusub kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN)  – Wasiirka amniga Jubbaland oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah -Shanaab, si looga xoreeyo maamulkaasi.

 

Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgalladaas oo ay xoogoodu ka dhici doonaan Jubbooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu hormuud u noqon doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay u tegay furimaha dagaalka.

Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, ayada oo si buuxda u maamulo gobolka Jubbada Dhexe ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here