Kenya oo Mareykanka u Oggolaatay Furashada Xarun Karantiil oo Loogu Talagalay Dadka uu Ebola Ku Dhaco

0

Nairobi, Kenya – Dowladda Kenya ayaa siisay Mareykanka oggolaansho rasmi ah oo uu ku isticmaali karo saldhig ciidan oo ku yaalla dalkaas si looga hirgeliyo xarun karantiil oo loogu talagalay dadka uu haleelo cudurka Ebola, kaas oo si xooggan ugu faafaya qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

 

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen laba sarkaal oo Mareykan ah, oggolaanshaha ayaa u saamaxaya dowladda Mareykanka inay isticmaasho Saldhigga Ciidamada Cirka ee Laikipia ee bartamaha Kenya, halkaas oo laga dhisi doono xarun caafimaad oo lagu karantiilo laguna daryeelo dadka uu saameeyo fayraska Ebola.

Xarunta ayaa la qorsheeyay inay ka hawlgalaan xubno ka tirsan Adeegga Caafimaadka Dadweynaha ee Mareykanka (US Public Health Service), oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee dalkaas.

Inkasta oo qorshaha Mareykanka uu yahay in xarunta ugu horrayn loogu adeego muwaadiniintiisa uu saameeyo cudurka, haddana dowladda Kenya ayaa ku talisay in xarunta loo furo dhammaan dadka caalamka ka kala yimaada ee uu haleelo Ebola, si loo xoojiyo dadaallada caafimaad ee gobolka. Ilaa iyo hadda lama oga in Mareykanku aqbalay soo jeedintaas.

Mas’uuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo caafimaadka ee Kenya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta heshiiskan, inkastoo Wasaaradda Caafimaadka Kenya ay xaqiijisay inay wada-hadallo la leedahay Mareykanka iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.

“Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dowladda Mareykanka iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah si looga wada shaqeeyo wax ka qabashada cudurka Ebola ee dillaacay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Kenya.

War-saxaafadeedka ayaan si toos ah u xusin qorshaha xarunta karantiilka, balse wuxuu muujiyay jiritaanka wada-shaqeyn caalami ah oo ku aaddan xakameynta cudurka.

Dhanka kale, dillaaca Ebola ayaa durba saameeyay shaqaale caafimaad oo ajnabi ah. Mid ka mid ah dhakhaatiirta Mareykanka ee uu ku dhacay cudurka, iyo dhowr qof oo kale oo lala xiriiriyay fayraska, ayaa loo qaaday dalka Jarmalka si loogu daweeyo loona kormeero xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale, dhakhtar kale oo Mareykan ah oo loo arkay inuu halis ugu jiro cudurka ayaa loo diray dalka Czech Republic si loogu sameeyo baaritaanno iyo dabagal caafimaad.

Khubarada caafimaadka ayaa aaminsan in xarun karantiil oo gobolka dhexdiisa laga sameeyo ay si weyn uga caawin karto xakamaynta cudurka iyo bixinta daryeel degdeg ah, iyadoo yareynaysa baahida loo qabo in bukaannada loo daabulo dalal kale oo fog.

Dadaalladan ayaa kusoo aadaya xilli waddamada Bariga iyo Bartamaha Afrika ay sare u qaadayaan feejignaanta caafimaad si looga hortago faafitaanka cudurka Ebola ee mar kale dib uga soo cusboonaaday gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here