Khilaaf horleh oo ka dhashay liiska xildhibaanada la shaaciyay ee Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta uu halkaas ka taagan yahay khilaaf ka dhashay liiska xildhibaanada cusub ee saaka la shaaciyay.

 

Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, Mudane Isxaaq Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka horyimid liiska la shaaciyay.

Isxaaq ayaa sheegay in xildhibaannadaas aysan soo marin habraacii loogu talagalay doorashada, ayna liiskooda soo gudbisay madaxtooyada Puntland.

“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Xildhibaanada la shaaciyay oo 66 ah ayaa waxaa ku jiray 17 mudane oo kasoo jeeda deegaanada SSC-Khaatuma, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan Puntland.

Mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale kasoo horjeedo liiska lagu dhowaaqay, ayaga oo eedeymo culus u jeediyay madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here