Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Mudug

0

CAAD (SMN) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

 

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubno isku uruursanayay duleedka deegaanka Jeex-Jeex ee gobolkaasi, halkaas oo tiro badan looga laayay kooxda Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka Macawiisleyda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Qoobey ayaa Shabelle uga warbixiyay weerarkaasi, wuxuuna sheegay in lagu dilay 46 xubnood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la burburiyay saldhiggii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla koonfurta deegaanka Jeex-Jeex ee gobolka Mudug.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogleh haatan laga dareemayaa gobollada dhexe ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here