Koonfur Galbeed oo maanta bilaabeyso doorashada Golaha Aqalka Sare

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka dhaceysa doorashada shan kursi oo ka mid ah Senatorada ay Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare.

Wararka ayaa sheegaya in qaban qabaadii ugu dmabeysay haatan laga dareemayo magaalada Baydhabo, isla-markaana si aad ah loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Illaa 10 musharrax oo saddex ka mid ah ay yihiin dumar ayaa ku tartamaya doorashadan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday in ugu horreyn khudbado laga dhageysan doono musharraxiinta, kadibna la guda-gali doono qabashada doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee bilaaba doorashada, waxaana kasii horreeyey Jubbaland oo soo xushay illaa 4 Senator, kadib doorasho ka dhacday Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here