BAYDHABO, Soomaaliya — Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulkaasi ay fashiliyeen weerar saaka lagu qaaday magaalada Baydhabo, inkastoo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay sheegteen inay iyagu ka dambeeyeen weerarka.
Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Xaayow), ayaa sheegay in weerarka uu dhacay aroornimadii hore ee Khamiista, isaga oo maamulkaasi ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay isku dayday inay cabsi iyo qalqal geliso shacabka magaalada.
“Saaka aroornimadii magaalada Baydhabo duullaan nacasnimo ah ayuu ku soo qaaday nabad-diidka kooxda Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadeedu ahayd inay bulshada nabadgelyadeeda qalqal geliso,” ayuu yiri Xaayow.
Wuxuu sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ciidamada kale ee dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, oo uu sheegay inay taageero ka heleen shacabka, ay iska caabiyeen weerarka isla markaana soo afjareen.
Afhayeenku wuxuu Al-Shabaab uga digay inay mar kale isku daydo inay weerarto magaalada Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
“Rajadiinna iyo qalbigiinna ha ka go’o inaad Baydhabo arbushataan ama aad dadkeeda weerartaan,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in jawaabta ciidamada ay u noqon doonto cashar.
Xaayow ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka magaalada inay isdejiyaan, dib u furaan goobahooda ganacsi isla markaana sii wataan hawlahooda caadiga ah.
“Waxaan u sheegaynaa shacabka iyo dadweynaha in ay is dejiyaan, goobahooda ganacsiga furtaan, hawl maalmeedkoodana wataan,” ayuu yiri.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu ka go’an yahay sugidda amniga iyo xasilloonida magaalada, isaga oo xusay in cid kasta oo isku dayda inay weerarto Baydhabo ay la kulmi doonto jawaab ciidan.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii iska horimaad uu saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay ciidamada ammaanku ka hortageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadday magaalada.
Hase yeeshee, ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa dhinacooda sheegtay inay iyagu qaadeen weerarka ka dhacay Baydhabo, taas oo abuurtay warar is-khilaafsan oo ku saabsan cidda mas’uulka ka ahayd dagaalka.
Ilaa hadda ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka kala duwan, waxaana sidoo kale aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.



