Mareykanka oo Duqeymo Cusub la Beegsaday Daacish

0

Calmiskaad – Dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeymo ka fulisay deegaanno ka tirsan buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoo la sheegay in duqeymaha lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah.

 

Duqeymaha ayaa laga fuliyay deegaannada Mirale, Sulsul iyo Nuurku-Beel, halka wararka deegaanka ay sheegayaan in caawa markale duqeyn lagu garaacay aagag cusub oo Baalade ah.

 

Duqeymahan ayaa qeyb ka noqonaya weerarro cirka ah oo isdaba-joog ah oo dowladda Mareykanka ay ka fulineysay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Daacish.

Howlgallada Mareykanka ayaa u muuqda kuwo lagu xoojinayo cadaadiska militari ee lagu hayo kooxda Daacish, xilli xubno ka tirsan kooxda ay saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan ku leeyihiin dhulka buuraleyda Calmiskaad.

Duqeymahan soo noqnoqday ayaa sidoo kale muujinaya in Mareykanka uu kordhinayo taageerada dhinaca duqeymaha cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo Daacish, iyadoo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay muddooyinkii dambe xoogga saarayaan la dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka howlgala Soomaaliya.

Ilaa hadda lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha ugu dambeeyay iyo tirada xubnaha Daacish ee lagu bartilmaameedsaday, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxdo howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here