Ku dhowaad 10 qof oo Oromo ah oo lagu dilay degmada Beledxaawo

0

BELEDXAAWO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo maleynayo inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, kaas oo xalay ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

 

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay rag hubeysan, kuwaas oo beegsaday xaafad ay dagan yihiin dad Oromo ah, sida uu innoo sheegay in mid kamid ah waxgaradka deegaanka.

Sidoo kale waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isugu jiro rag, dumar iyo carruur.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli socda baaritaano ku aadan falkan oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here