Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha wasiirka, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa ka qayb-gashay munaasabadda abaalmarinta Halyeeyada Caafimaadka Soomaaliyeed ee Somali Health Awards 2026.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay wasiirro, xildhibaano iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo ka qayb qaatay xuska iyo dhiirrigelinta shaqsiyaadka iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.
Somali Health Awards 2026 ayaa ka mid ah madalaha lagu maamuuso dadaalka, hal-abuurka iyo horumarka bahda caafimaadka Soomaaliyeed ee qaybaha kala duwan. Munaasabaddan ayaa sidoo kale fursad u ah in lagu muujiyo dadaallada ay xirfadlayaasha caafimaadku ku bixiyaan u adeegidda bulshada iyo ka qayb qaadashada dib-u-soo-celinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan kuwa caafimaadka.
Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa bogaadisay dadaallada lagu dhiirrigelinayo tayeynta adeegyada caafimaadka, aqoonsiga xirfadlayaasha caafimaadka iyo horumarinta nidaamka caafimaadka Soomaaliyeed.




