Jinhua, Shiinaha – Aqoon-is-weydaarsi socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha uga furmay 27 xubnood oo ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Tababarkan waxaa bixinaya khubaro ka tirsan Jaamacadda Zhejiang Normal University, waxaana ka qaybgalaya agaasimayaal, madaxda qaybaha warbaahinta dowladda iyo hawlwadeennada Wasaaradda.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saarayaa istiraatiijiyadda warbaahinta casriga ah, adeegsiga garaadka macmalka ah (AI), maaraynta warbaahinta iyo ka hortagga wararka been-abuurka ah. Waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta, tayada iyo xirfadaha shaqaalaha warbaahinta dowladda.
Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Zhejiang Normal University, Zhu Yifeng, ayaa munaasabadda furitaanka ka sheegay in aqoon-is-weydaarsigu muhiim u yahay is-weydaarsiga khibradaha warbaahinta, xoojinta xiriirka iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Cabdishakuur Cali Axmed, Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsigu xubnaha matalaya warbaahinta dowladda siinayo fursad ay wax kaga bartaan waayo-aragnimada Shiinaha ee casriyeynta warbaahinta.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha, qabanqaabiyeyaasha iyo hay’adaha taageeray tababarka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha uga mahadcelinaysaa fursaddan qiimaha leh ee la siiyey shaqaalaha warbaahinta dowladda, si ay u kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, ugana faa’iidaystaan hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee warbaahinta.
“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Danjire Wang Yu, fududeynta barnaamijkan, Jaamacadda Zhejiang Normal University oo martigelinaysa tababarka, iyo Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha oo maalgelisay,” ayuu yiri Agaasime Cabdishakuur.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qayb ka ah barnaamijyada is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha ee u dhexeeya Dowladda Shiinaha iyo dalalka Afrika.




