Kulankii farsamo ee DF iyo Midowga Afrika oo dib u dhacay + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Kulankii heer farsamo ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ee la filaayey in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay, kaddib markii la isku raaci waayey ajendaha looga hadli lahaa kulanka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Fiona Lortan, Agaasimaha Maaraynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u soo saartay baaq ka dhan ah go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee la xiriiray sii joogitaanka Soomaaliya ciidanka Midowga Afrika.

Dhanka kale, xubnaha ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa iyagana dhankooda ku adkaystay qodobbada Baaqa AU PSC ee 07/10/2021.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here