Kulankii xildhibaanada Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulan xasaasi ah oo ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xubnaha golaha.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray illaa 103 mudane oo kaliya, taasi oo keentay in guddoonka Golaha Shacabka uu soo xiro fadhiga.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Abshirow ayaa digniin culus U diray xildhibaanada maqnaaday fasax la’aanta ee ku sugan dalka.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray xildhibaanada ku jira golaha wasiirada. isaga oo faray inay soo xaadiraan kulan walbo oo uu yeelanayo Golaha Shacabka.

“Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada waa in ay yimaadaan kulan walba” ayuu yiri guddoomiye Cabdullaahi Abshirow.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale arrintan ka hadlay, ayada oo sidoo kale isla goobta la yeeriyay magacyada xildhibaanada maqan.

“Waxa xildhibaanada maqan loo yeeriyay waa inay ogaadaan dadka ay metalaan in ay joogaan iyo in kale” ayuu isna yiri xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here