Sawirro: Shirweyne muhiim ah oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa manta ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadanimada, kaas oo ay ka qayb-galaan madax kala duwan oo isugu tegtay gudaha magaalaasi.

 

Shirkan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa si wadajir ah u furay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland iyo wasiirka wasaaradda qorsheynta xuluumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qayb-galaya guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, wasiirada gargaarka dowlad goboleedyada dalka iyo wakiil ka socda xubnaha Beesha Caalamka.

Arrimaha looga hadli doono Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada waxaa kamid ah jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha oo ah kuwa ku soo la laabtay dalka

Qaar ka mid ah xubnaha ka qayb-galay kulanka ayaa warbahinta la hadlay iyaga oo soo dhaweeyay shirarka noocaan oo kale ah.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jiro xaalado bani’aadanimada, kuwaas oo ay sababeen colaado, abaaro iyo fatahaado soo laa laabtay oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here