Laba wariye ku xiray magaalada Muqdisho

0

Muqdisho [SMN] – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Degmada Waabari ayaa lagu soo warrmayaa in ay xabsi dhigeen labo wariye oo ka howlgalka muuqaal baahiya FIVE Somali TV , kuwaasi oo ku howlnaa soo uruurinta aragtida dhallinyarada ku shaqeysta moota bajaajta maadaama Magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galay amar dhowaan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan midibeynta mootooyinka si meesha looga saaro saxmada ama ciriiriga ka jira Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

Labada wariye oo lagu kala magacaabo Farxaan Baraale iyo Maxamed Dulmidiid ayaa ku sugnaa waddada Maka Al Mukrama markii la xirayay, iyadoona aan weli la ogeyn sababta ka dambeysa xarrigooda.

Maamullaha guud ee FIVE Somali TV, Fu’aad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in wardoone Maxamed Dulmidiid iyo muuqaal duube Farxaan Baraale lagu xiray saldhig ku yaalla Degmada Waabari xilli ay ku guda jiraan howlahooda shaqo.

Maamule Fu’aad ayaa xusay in aysan ogeyn sababta keentay xariga labada wariye, isagoona xusay in ay isku dayeen in ay xiriiraan taliyaha saldhiga si ay wax uga weydiiyaan xariga labada wariye balse ay suuro-geli weysay

Maahan markii ugu horreysay wariyeyaal howshooda ku guda jira oo lagu xiro Magaalada Muqdisho, iyadoona xusid mudan in dhowaan labo wariye looga kala yeeray Xarunta CID iyo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Qaranka, inkastoo Ururada u ololeeya Suxufiiyiinta ay cambaareeyeen xadgudubyada ka dhanka xorriyadda saxaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here