Maalintii koowaad ee shirka wada-tashiga qaran oo lasoo gabagabeeyey

0

MUQDISHU (SMN) – Waxaa soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Siciid C/llaahi Deni, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle Midane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Mudada uu shirka socdo waxaa diirada lagu saarayaa heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here