Muqdisho, Soomaaliya: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.
Ciidamada ka tirsan dufcaddan ayaa muddadii uu tababarku socday lagu baray Xeerka Ciqaabta, xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo isgaarsiinta, cilad-bixinta hubka iyo xeeladaha dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka.
Waxa uu kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga faa’iideystaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan difaaca dalka iyo sugidda amniga.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar, tayo iyo awood ay si buuxda ugu gudan karaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ciidamada cusub ku boorriyey inay ilaaliyaan sharciga, isla markaana ay noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka, si looga hortago kooxaha Khawaarijta ah iyo cid kasta oo dalka u diiddan nabadda iyo horumarka.
Intii ay socotay munaasabadda, ayaa ciidamada ka tirsan dufcadda 12-aad soo bandhigeen xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka ku qaateen, kuwaas oo loogu diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee diiddan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.





