Madaxweynihii hore ee FARMAAJO oo taageeray heshiiska Golaha Wadatshiga

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si lama filaan ah uga hadlay heshiiskii 27-kii bishan May ay Villa Soomaaliya ku gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyadaa iyo Gobolka Banaadir, walow ay ka maqneyd Puntland.

Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa taageeray heshiiskan, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo qodobada kasoo baxay shikii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, heer dowlad goboleed iyo heer federaal kuwaas  oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, sida ku cad heshiiska siyaasadeed ee haatan la gaaray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu fursad gaar ah siinayo dadweynaha Soomaaliyeed oo muddo aad u dheer sugayay in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.

Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran  uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya dastuurka, sidoo kalena wax ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa carabka ku goday inay lagama maar-maan tahay nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL).

Si kastaba, Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya ayaa noqday siyaasigii ugu horreeya ee si mugleh u taageera heshiiska xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu gaaray xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo dhaliyay dood xoogan.

Heshiiskan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa marka si hoose loo eego wuxuu fursad siinayaa xubnaha Golaha Wadatshiga Qaranka, maadaama ay wax ka beddaleen muddo xileedkooda oo markii hore ahaa afar sanno, balse haatan laga dhiagay 5 sanno.

Waxaa sidoo kale meesha ka baxaya xilka ra’iisul wasaaraha, ayadoo markii ugu horreysay ay Soomaaliya yeelaneyo madaxweyne iyo ku xigeen oo ay soo dooranayana dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here