Maxkamadda G/Benaadir oo xukuntay Mulkiilaha Hey’adda Sahan

0

MUQDISHO (SMN) – Matt Brydan mulkiilaha Hey’adda Sahan Reseach ayey Maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka ee dowlada Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta Matt Brydan ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, kadib markii ay soo gaba-gabeysay dacwadda ka dhanka ah mulkiilaha Hey’adda Sahan

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here