MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xuskan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidanka oo leh diyaargarow iyo tayo sare, kuwaas oo muujinayay horumarka laga sameeyay dhismaha iyo tayeynta awoodda difaaca dalka.
Sidoo kale, munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal oo casri ah iyo diyaarado militari oo ka mid ah qalabka difaaca ee ay ciidamadu isticmaalaan xilligan, taas oo astaan u ah casriyeynta iyo horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo dib u xoreynta deegaanno badan oo dalka ka mid ah ay ka tarjumayaan dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo geesinimada ciidanka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee dhibaateynayay shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa iyaduna door weyn ka qaadatay abaabulka iyo horumarinta munaasabadda, taas oo muujinaysa isku-duwidda hay’adaha amniga iyo dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray saraakiisha iyo ciidanka kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku ammaanay naf-hurnimada ay u hayaan difaaca dalka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.








