Madaxweynaha Puntland oo qaadacay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii bishaan May, 2023-ka lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

 

Deni ayaa sheegay in Puntland aysan qayb ka aheyn heshiiska laga gaaray hannaanka doorashada ee dhawaan ay soo saareen madaxda federaalka iyo kuwa maamullada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka loo wado meel qaldan, isla-markaana ay tahay sababta ay horay u diideen ka qayb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay u dhaqmeyso si gaar ah, isla-markaana uu farayo Dastuurkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland qayb kama ahan go’aanadii soo baxay, kuwii hore waxaa uga baaqsanay oo aan u saxiixi weynay waxaan aragnay in dalka meel qaldan loo wado. Dastuurka Puntland waxaa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Waxa kale oo uu carabka ku goday arrinta xilka ra’iisul wasaaraha oo uu si weyn uga horyimid in la baabi’iyo, maadaama lasoo jeediyay madaxweyne iyo ku xigeen oo kaliya.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay haddii la rabo in la xaliyo xasillooni la’aanta Soomaaliya in mar hore Somaliland ay miiska timaado oo xalka wadajir loo raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here