MUQDISHO — 03 Diseembar 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirro ka socda siddeed dal oo ay Soomaaliya xiriir dhow la leedahay.
Dalalka safiirrada cusub ay ka kala socdaan ayaa kala ah: Masar, Indonesia, Sweden, Cuba, Canada, Finland, Norway iyo Spain.
Safiirrada warqadahooda gudbiyey ayaa kala ah:
- Masar: Mudane Mohamed Salah Keshtah
- Indonesia: Mudane Witjaksono Adji
- Sweden: Mudane Hans Henric Lundvqist
- Cuba: Marwo Inés Fors Fernandez
- Canada: Mudane Joshua Brenber Tabah
- Finland: Marwo Riina Riikka Heikka
- Norway: Marwo Siv Cathrine Moe
- Spain: Mudane Jaime Alejandro Moreno Bua
Madaxweynaha ayaa safiirrada cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo soo igmaday, isaga oo caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin soo dhaweynta iyo la shaqeynta diblomaasiyiinta, si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay dalalkooda la wadaagaan.
Danjireyaasha ayaa dhankooda u gudbiyay Madaxweynaha farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxayna muujiyeen in ay mudnaan gaar ah siinayaan horumarinta xiriirka diploomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Waxa ay uga mahadceliyeen dowladda Soomaaliyeed qaabilaadda iyo maamuuska heerka sare ah ee loogu sameeyay Villa Somalia.
Munaasabadda guddoomista warqadaha aqoonsiga ayaa ku dhacday jawi maamuus sare leh, iyadoo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ay safiirrada u sameeyeen salaan sharaf.











