Madaxweynaha Soomaaliya oo shir amni la yeeshay taliyaasha ciidamada ee ku sugan Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo ku saabsan amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee deegaanka iyo horumarinta nidaamyada maamul iyo caddaaladeed.

 

Intii uu socday shirka, Madaxweynaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka, kuwaas oo soo bandhigay qorsheyaasha lagu sugayo amniga, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si mideysan looga shaqeeyo ilaalinta amniga, xakamaynta ciidamada hubeysan ee aan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee dowladda, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada JFS, iyo taliyaasha ciidamada kala duwan.May be an image of dais and the Oval OfficeMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here