Madaxweyne Xasan: Dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo xukunna kuma doorto

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marna uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka Soomaaliyeed.

 

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la iyiraahdaa, waana la iyaaqaa dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Haday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here