NISA oo sheegtay inay howlgal qorsheysan ku dishay sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Jowhar – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Warciise, oo qiyaastii 25 KM u jira magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge.

Labada horjooge ee la sheegay in howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo NISA ay sheegtay inuu ahaa horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsanaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo lagu sheegay inuu ahaa horjoogaha kooxda ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.

Hay’addu waxay sheegtay in labada horjooge muddo lala socday xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, ka hor inta aan la fulin howlgalka.

Sidoo kale, waxaa howlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen waxa kooxda ugu yeerto Xisbada ee deegaanka Warciise. NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare iyo jab culus.

Hay’addu waxay tilmaantay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna burburinayo horjoogeyaasha iyo shabakadaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka amni-darrada iyo argagixisada.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here