Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya

0

Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan magaalada Addis Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Farmaajo & Abiy ayaa waxa ay iska xog wareysteen xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag iyo isixtiraam.

Sidoo kale waxa ay kulankooda labada mas’uul kusoo qaadeen xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al- Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Addis Ababa u tegay caleema saarka Abiy oo markale loo dhaariyey xafiiska, wuxuuna munaasabaddaasi ka jeediyey khudbad xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here