Madaxweyne Qoor Qoor oo war cusub kasoo saaray heshiiska doorashooyinka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa war cusub ka soo saaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dood xoogan ay ka keeneen inta badan xubnaha mucaaradka.

 

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in horumar dhanka dimuquraadiyadda ah ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in heshiiska ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka uu yahay mid masiiri ah, isla-markaana fursad siinaya dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiskan uu meesha ka saarayo khilaafaadka soo laa laabta ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diyaar u yihiin ka gole ahaan xallinta cid kasta oo tabasho ka qabta heshiiskaasi oo la gaaray, ayada oo ay maqan tahay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here