Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay madaafiic lagu garaacay Golweyn

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo xalay lagu garaacay degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Abuukar Shuute Xuseen oo kamid ah dhalinyarada degaanka ayaa Shabelle u sheegay in weerarkan uu ku dhintay ugu yaraan 1 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Waxaa kale oo uu tilmaamay inay burbureen guryo badan oo ay daganaayeen shacab, kadib markii uu qabsaday dab ka dhashay madaafiicda

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay hoobiyeyaashan ciidamada ATMIS ee degan duleedka deegaankaas oo hoostaga magaalada Marka Xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana lagu soo waramayaa in dadweyne careysan ay dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah ATMIS ay ka dhigeen halkaasi.

Halkan hoose ka daawo wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here