Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Soomaaliya shir kula leh Sheekh Shariif

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan uga socdaa madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa dabo socda kulamo Madaxweynuhu muddadaan la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Sheekh Shariif ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin horay usoo saaray qoraal xambaarsan aragtidooda ku aaddan heshiiski ay wada gaareen MWQ.

Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa inuu kala hadli doono Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here